2 mins read

RASMI: Karim Benzema Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Ballon d’Or.

Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or kaddib xilli ciyaareed uu wacdaro ka dhigay garoomada oo kooxdiisa Real Madrid u qaaday Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo koobab kale oo garab socday, halka dalkiisana uu ka caawiyey UEFA Nations League.

Zinedine Zidane ayaa fagaaraha uga yeedhay Benzema oo gacanta ka saaray abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu kabtanka Real Madrid ku garaacay saddexda ciyaartoy ee Sadio Mane, Robert Lewandowski iyo Kevin de Bruyne.

Benzema oo 34 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa 46 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid uu u dhaliyey 44 gool, waxaana uu ahaa laacibka aan lagu muransanayn ee sannadkan u qalmayay inuu qaato abaal-marintan ee la isku wada raacsanaa.

Kaalinta labaad ayuu galay Sadio Mane oo ka sare maray Kevin de Bruyne oo kaalinta saddexaad ku dhamaystay halka Robert Lewandowski uu ka qaday saddexda sare oo uu booska kaalinta afraad u dhaadhacay.

Karim Benzema oo sannadkii 2009 ay Real Madrid kasoo iibsatay Lyon ayaa waxa uu horyaalka Spain oo kaliya ka dhaliyey 27 gool xilli ciyaareedkii tegay, isaga oo ku guuleystay abaal-marinta gool-dhalinta La Liga ee Pichichi.

Guushiisa Ballon d’Or ayaa waxa go’aamiyey wacdarihii uu ka dhigay kulamadii PSG ee wareeggii 16ka Champions League, Chelsea ee wareeggii siddeed-dhamaadka, Manchester City oo semi-finalka ay ku dhaafeen iyo ugu dambayntii oo finalkii ay ku garaaceen Liverpool.

PSG iyo Chelsea ayaa uu min saddexlay goolal ah ka dhaliyey, sidoo kalena Manchester City ayuu labadii ciyaaroodba shabaqooda la saaxiibay, halka finalkii uu Vinicius Junior furtay oo uu dhaliyey goolka madiga ahaa ee ay Liverpool kaga qaadeen Koobka.

Karim Benzema ayaa sannadkii hore ku dhamaystay kaalinta afraad ee abaal-marinta Ballon d’Or, halka uu sannadkanna ku guuleystay abaal-marinta ugu qiimaha badan oo uu waliba guddoonsiiyey tababariihiisii ahna saaxiibkii Zinedine Zidane.

Benzema ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii siddeedaad ee isaga oo Real Madrid u ciyaaraya ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku biiray liiska Luka Modric, Cristiano Ronaldo, Fabio Cannavaro, Alfredo Di Stefano iyo xiddigo kale oo Real Madrid ah oo qaaday Ballon d’Or.