1 min read

Amiirka Qatar iyo Farmaajo oo Khadka telefoonka ku wada xiriiray.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee ayaa Khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa sidoo kale kawada hadlay xaaladihii ugu danbeeya ee Soomaaliya.

Dhanka kale Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana 5-tii sano ee la soo dhaafay ay sigaar ah u taageereysa Madaxda Villa Soomaalia.