1 min read

Dalka Imaaraadka Carabta oo markii ugu horreeysey fasaxaya Ciyaarista Khamaarka.

Hoteelka iyo Casino-da, Wynn Resorts, ayaa dhisi doona goob lagu raaxaysto laguna khamaaro oo ku taalla Ras Al Khaimah ee Isutagga Imaaraadka Carabta oo leh, taasoo suurtogalinaysa inay u gogol xaarto in markii ugu horreeysey khamaarka loo oggolaado gobolka Gacanka Muslimka, sida ay qorayso Reuters.

Waxaa Imaaraadka ka jira calaamad muujinaysa in xeerarka madadaalada laga yaabo in la dabciyo, Hay’adda Horumarinta Dalxiiska ee Ras Al Khaimah (RAKTDA) ayaa sheegtay, Talaadadii, waxayna xitaa ku dhawaaqday inay abuurtay Waaxda Madadaalada iyo Nidaaminta Ciyaaraha, si ”looga helo meelaha loo dalxiis tago”.

Goobaha dalxiiska ee la isku dhafan (Integrated resorts) waxay caadi ahaan ka kooban yihiin hoteellada leh khamaarka iyo tas-hiilaadka madadaalooyinka kale.

Warbixin lagu daabacay warbaahinta dowladda, RAKTDA waxay ku sheegtay in mudnaanta ugu sarreysa ee hay’adda cusub uu noqon doono qaab-dhismeedka sharci hubinaya “hab-dhaqan mas’uuliyad leh oo dhanka ciyaaraha madadaalada ee dhammaan heerarka kala duwan leh”.

Xafiiska Warfaafinta Maamul-goboleedka Ras Al Khaimah, RAKTDA, RAK Hospitality Holding iyo Wynn Resorts midkoodna kama jawaabin codsiyo la gaarsiiyey si ay arrintan uga faalloodaan ku saabsan in khamaarka loo oggolaan doono Imaaraddan.

Dublamaasiyiintu waxay sheegeen in Imaaraadku u dhaqaaqi karo inuu uu u oggolaado dib-u-habayn sharci-dejineed oo ballaaran taasoo looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo dalxiiska iyo ganacsiga dalkaasi, iyada oo uu jiro tartan goboleed oo kor u kacaya, sida la yiri.

Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa Baabiloonkii casriga marka la eego heerka fisqiga halkaa ka jira, iyadoo ay sidoo kale isbedello badani ka socdaan dalal kale oo ku yaalla isla gobolkan oo horay u ahaa mid ilaa xad muxaafid ahaa dhanka dhaqanka.