1 min read

Xulka 17-jirada Soomaaliya oo ka badiyay dhigiisa Itoobiya.

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine Ayaa Hambalyo u diray Guud Shacabka Soomaaliyeed, Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo Gudigii Horkacaayay Xulka Qarankeena, Kadib guushii Galabta Aan Ka Gaarnay Dhigeena Itoobiya.

Xulkeena Ayaa 9-ka bishan La Ciyaaraya Xulka Tanzaania, iyadoo xilkeena aan u rajaynayno ciyaartaas inuu ka soo hoyiyo guul wayn oo ummadda Soomaaliyeed ku farxaan.