1 min read

Biden iyo Boqor Salmaan oo ka wadahadalay shidaalka iyo xaaladda Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato kororka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda.

Qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka ayaa kor u kacay 20% sanadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha.

Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar kaas oo saaxiibadiisa xisbiga Dimuqraadigu ay difaacan doonaan aqlabiyadda aan badneyn ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Reuters.