1 min read

Abdishakur ”Sawirka iyo dhaqanka rajiinka Farmaajo ee shantii sano aad ka dheehan karto…”

Waraysiga afarta qayb ah ee Cabdullaahi Maxamad Nuur (Nasri) siiyay [HANOOLAATO], wuxuu sawir buuxa ka bixiyey sida uu rajiimka Farmaajo shantii sano ee la soo dhaafay, dadka, dalka, iyo dawladnimada u burburiyey iyo sida uu u bannaystay dhiigga, cirdiga iyo hantada ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu adeegsaday dilal qorshaysan, sumayn, sumcad-dil, codad iyo muuqaallo si sir ah loo duubay. Waxaa fidno laga dhex abuuray beelo iyo shakhsiyaad, waxaa la jebiyey soohdimihii sharciga, akhlaaqda iyo dhaqanka suubban. Ficillada muuqda oo uu ugu danbeeyey dilkii Ikraan Tahliil, iyo waraysiyada billawga ee Nasri, waa bakeeri biyo ah oo badwayn laga soo daray. Waxa weli qarsoon ee waqtiyada soo socda soo qufmi doonaa ayaa ka badan.

Wuxuu soo koobiyeeyey tabihii iyo farsamooyinkii ay argagexisada Al-Shabaab adeegsanayeen oo idil, waxaase dersi iyo cibro qaadasho ku filan in ujeedkii danbiyadaas loo galay oo ahaa in xukun la sii haysto ay natiijadeedii ku soo idlaaday in Villa Soomaaliya dhufays looga jiro. Fursada weli Farmaajo iyo kooxdiisa u furan waa in ay qirtaan danbiyadii ay galeen, dadkana cafis waydiistaan.

Aragtida ah in dawladda laga cabsado waxaa ku lamanaan fal argagexiso oo cabsi gelin ah, kuwaasoo lagu bannaysanayo nafta, maalka iyo sharafta muwaadinka. Laakiin fahamka ah in dawladda laga haybaysto, waxaa ka dhalanaya in la xurmeeyo nafta, hantida iyo cirdiga muwaadinka, farqigaaga ayaana u dhexeeya labada aragti.

Abdirahman Abdishakur Warsame