Maxay noo yaabgali-weeysay Talooyinka maskaxda wasakheysan ee Abuu camaar?
2 mins read

Maxay noo yaabgali-weeysay Talooyinka maskaxda wasakheysan ee Abuu camaar?

Ceebeynta Horumarka nabadgalayo iyo heerka uu gaarsiisan yahay la dagaallanka Argagixisada oo laga dhigto hadaf dhaliil jeedin ah oo ku aadan dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqon kartaa mid ka dhigan muujinta ficil xaasidnimo oo garab siinaya cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Milkiilihii dowladii Farmaajo fahad yaasiin abuu camaar oo hoos u dhigay xaqa dadka dagan Galmudug iyo Hirshabelle ay u leeyihiin in la gaarsiiyo dowladnimada ayaa cali dheere ku waafaqay in lagu fashilmay dagaalka ka danka ah Argagixisada .

Hadalka fahad yasiin ayaa ku soo beegmay iyada oo isi soo tarayaan calaacalka iyo qeylo-dhaanta ka soo yeeraysa kooxaha Argagixisada kadib markii ay wajaheen haliso ugu dardaar-warinaya kooxaha xagjirka ah in ay goor dhow soo afjarmayaan.

Ciidamada dowlada iyo xoogaga madaniga ee difaaca shacabka ayaa sii wada hareereynta ay ku hayaan firxadka kooxda Al-Shabaab iyadoo Faragalintii Qatar ee laga adkaaday ay wali rafaneyso meelo aan naga dheereyn

10 sano ama wax kabadan xitaa hadii ay qaadato lamaga yaabo inay isdhiibaan dadka dagan Hirshabelle iyo Galmudug ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan waxa ay xaq u leeyihiin ee ah inay helaan dhamaan adeegyada dowladnimo ee ay u baahan yihiin sida waxbarasho, caafimaad, wadooyin iyo xasillooni ay horumar ku gaaraan

Ma sahlaneyn sida lagu suurtagaliyay in nolol laga yabyabo Xarardheere, Ceeldheer Moqokori Aadan yabaal iyo magaalooyin kale oo badan oo uu abuu camaar u heysato inay yihiin meel cidla ah oo aan dad ku nooleyn.

Maxay noo yaab gali weeysay talooyinka maskaxda wasakheysan ee Abuu camaar marka la eego in 700 boqol oo Askar oo uu ka dhigtay calooshood u shaqeystayaal in uu diyaarad ku geeyay Baladweyne si uu uga soo helo kursi baarlamaan,Isaga oo la sii dulmaray Xoolo dhaqatada balcad oo la dagaalamaya Argagixiso baad ka rabta , tiiyoo halkii lagu soo doortay isaga lagu dilaya AUN Xildhibaanad Aamino

Fahad oo mar maamulay amni daro weyn waqtigiisa aad u baahday ayaa ku faanay in uu isu guuriyay laba sarkaal oo ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Dowladda, Iyadoo sadax sano kadib madaxdii uga danbeysay heyadda NISA ee Mahad Salad Iyo C/llahi sanbaloolshe ay kasbadeen kalsooni iyo amaan shacabka Soomaaliyeed uu ,u hayo oo ku saabsan doorkooda ku aadan hagaajinta nabagalyada iyo kala soocista isku milankii Argagixisada iyo laamaha amaanka oo ahaa masiibo weyn oo laga dhaxlay maamulkii Farmaajo

Sida muuqata dad badan uma guuxi doonaan talooyinka fahad yaasiin abuu camaar waxayse taas badalkeed u badan tahay in ay u arkaan Cadaaweysiga nabdoonaanta maanta ka jirta Muqdisho iyo nolosha ka bidhaantay magaalooyinka laga xoreeyay Argagixisada.

By: Elmi Osman Farah Boodhari