
Booliiska Kenya oo sheegay in Lix qof lagu dilay weerar ka dhacay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu yaraan lix askari oo booliis ah ayaa lagu dilay afar kalena waa la dhaawacay ka dib markii ay weerar ku qaadeen xero boolis oo ku taal Kenya oo ay fuliyeen dagaalyahano looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Booliska dalka Kenya ayaa warbixin ay soo saareen maanta oo Axad ah waxa ay ku sheegeen in weerarka ay ka fuliyeen degmada Gaarisa ee gobolka Bari ee dalka Kenya, kaasi oo ku yaala xadka Soomaaliya la wadaagto.
Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in kooxihii weerarka soo qaaday ay weerar ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada kaydka ah ee bilayska โwaxayna adeegsadeen hub kala duwan si ay xerada u dhaafaanโ.
“Lix dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay iyadoo afar dhaawac ah oo isbitaal la dhigay,” ayaa lagu yiri.
Inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin weerarkan, ayaa haddana kooxdu waxay inta badan fulisaa howlgallada xuduudaha ee ka dhanka ah ciidamada iyo bartilmaameedyada rayidka ah.
Weeraradan ayaa kusoo beegmaya todobaad kadib markii safaarada Maraykanka ay soo saartay digniin laโaan, iyadoo uga digtay dadka safarka ah inay booqdaan meelo ka mid ah Kenya oo ay ku jirto degmada Gaarisa, ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya, sababo la xidhiidha khatarta weerar.
Muddo sanado ah, Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxay u dagaalamayeen sidii ay u dumin lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.
XIGASHO:AlJazeera