
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo maanta Muqdish soo gaaray iyo kulumo uu la yeeshay Rw Xamse.
Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Dr. Maxamuud Cali Yusuf oo maanta booqasho laba cisho ah ku yimid Muqdisho
Wafdiga Guddoomiyaha Gudidga Midowga Afrika ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Raโiisul Wasaare kuxigeenka Saalax Jaamac iyo masโuuliyiin kale.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay in safarkiisa u horreeyay ku yimaado Muqdisho, tan iyo markii xilka loo doortay, taasoo muujineysa ahmiyadda guushii uu ka soo hoyay doorashada kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo kaalintii garab-istaagga aheyd ee dowladda Soomaaliya u fidisay dowladda Jabuuti.