1 min read

Hooyo 5 caruur ah dhashay oo Muqdisho isku gubtay

Xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa maanta ka dhacday arrin dadka xaafadaasi si weyn uga naxeen kaddib markii haweeney hooyo ah ay isku dhex gubtay guri ay xaafadaasi ka deganeyd.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Farxiyo Cali Cabdi ahaydna hooyo dhashay 5 caruur ah kana kooobnaa 4 wiil iyo 1 gabar, ayaa la sheegayaa inta aanay is gubin ay ka dalbatay ninkeeda iyo dadkiii la degenaa inay iska cafiyaan.

Daqiiqado markii ay isku dhex gubtay gurigii ay deganeyd, ayaa dadkii deriskeeda ku soo baxeen markii ay arkeen guriga oo gebi ahaantiis dabku qabsaday, iyadoo lagu guuleystay in dabka laga soo saaro meydka hooyo Farxiyo.

Qaar ka mid ah qaraabada haweeneydaan ayaa warbaahinta u sheegay in maalmihii dambe ay hooyadani la soo derseen welwel iyo istarees ay ka qaaday arrimo qoys iyo muran kala dhaxeeyay qoysas guriga la degenaa, iyadoo caruurteeda uu ugu yar yahay canug 2 sano jir.