1 min read

Boqorka Sucuudiga oo isbitaal loola cararay.

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Jeddah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Boqorka oo 86 jir ah la dhigay Isbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa iyo hadda wax fafaahin ah ka soo saarin xaaladda Boqor Salmaan.

Boqor Salmaan, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020-kii.

Boqorka ayaa la wareegay xilka ilaaliyaha labada Masjid ee Xaramka sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu labo sano iyo bar uu ahaa dhaxal sugaha iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.