1 min read

UEFA oo dacwad kusoo oogtay Jose Mourinh.o

Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa Uefa kusoo oogtay dacwad ku saabsan aflagaado ama xadgudub uu kula kacay garsoorayaasha maalintii Arbacada, ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Europa league.

Dacwadda ayaa la xiriirta shil ka dhacay baarkinka gawaarida markaas oo Mourinho oo 60 jir ah uu aflagaadeeyay Anthony Taylor oo garsoore Ingiriis ah.

Tababarahan Bortaqiiska ah ayaa garsoreTaylor waxa uu siiyay jaale ciyaartii magaalada Budapest,halkaas oo Sevilla ay rigoorayaal kaga badisay Roma kadib markii ay isla dhaafi waayen barbardhac 1-1 ah.

Labada kooxood ayaa sidoo kale wajahaya dacwado dhowr ah oo la xiriira hab-dhaqanka taageerayaashooda iyo ciyaartoyda.