1 min read

Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Hay’adda Socdaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay, ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Ayaa yiri ” Waa inaad ilaalisaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta aad adeegyada siinaysaan, Waana inaad sii horumarisaan hannaanka shaqo ee muhiimka u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga”.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.