1 min read

Gudoomiyihii guddiga doorashada Somaliland oo is-casilay.

Guddoomiyihii guddida Doorashooyinka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac,ayaa iska casilay xilkaasi iyo xubinimadiiba sida ay BBC u xaqiijiyeen Ilo-xogogaal ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha guddida Doorashooyinka Somaliland.

Riyo-raac, oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisa ayaa qabtay Doorashadii Wakiillada iyo deegaanka oo uu ammaan badan ku helay.

Hore xubno kale oo guddida doorashooyiinka ka tirsan ayaa xilka iska casilay.