1 min read

Askari ka tirsanaa ilaalada Cumar Filish oo lagu dilay Muqdisho.

Allaah u naxriistii Xuseen Abuular Nuur oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu dilay nawaaxiga Dekedda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dilka marxuumka uu geystay askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in askari dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi ka qaaday meydka marxuum Xuseen Abuukar.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.