1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isla xalay la dhaariyay.

Xildhiaannada labada ee Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xasan Shiikh Maxamuud u doortay Madaxweynaha afarta sanno ee soo socota ka dib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wareegii saddexaad ka guuleystay Madaxweynihii shanta sanno ee la soo dhaafay, Maxamed Cabdullaa Farmaajo.

Xasan Shiikh ayaa helay 214 codadka Xildhibaannada, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaa xumaaday saddex cod, sidaasi waxaa ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Goobta ayaa lagu dhaariyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.