1 min read

Muuse Biixi iyo wafdigii ka socday Maraykanka maxay ka wada Hadley.

Taliyaha iyo waftigiisa ayaa sodookale kulanka madaxweynaha kadib, booqasho ku tagay garoonka iyo Dekedda Berbera oo dhawaan dib u casriyayn lagu sameeyay.

Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Stephen Townsend, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry André, iyo saraakiil kale oo sar sare oo ka tirsan taliska Afrika, ayaa socdaal ku tagay magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kulan la qaatay saraakiishan ka socda taliska Afrika, ayaa sheegay in bog cusubi u furmay xidhiidhka Somaliland iyo Marayka, dhinaca kalena madaxda taliska Afrika ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin iskaashi ay la sameeyaan Somaliland.

“Waxaana dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga iyo millatariga ee labada dhinac”  ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Taliyaha iyo waftigiisa ayaa sodookale kulanka madaxweynaha kadib, booqasho ku tagay garoonka iyo Dekedda Berbera oo dhawaan dib u casriyayn lagu sameeyay.