1 min read

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta la soo gabagabaynaayo.

Waxaa maanta magaalada muqdisho lagu soo gabagabeynaa shirweynaha culimada somaliyeed uu ilaa isniinta kasocday magalada muqdisho ee xarunta dalka.

Culimada ayaa ka kala yimid dalka iyo dibadiisa waxaana shirkan uu yahay mid culimada ay door uga qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee kasocday gobolada dalka.

Shirka maalmihii lasoo dhafay waxaa looga hadlay ajandayaal kala duwan iyadoo maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo war murtiyeedna laga soo saaro shirka.

Madaxweyanaha somalia ayaa la filayaa inuu shirka soo xiro waxaana si weyn loo adkeeyey amniga xeendaabka garoonka diyaaradaha muqdisho oo shirka uu kasocdo