1 min read

Ra’iisal Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay ciidamada Beledweyne la geeyay

Ra’iisal Wasaare Rooble Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddopminayay shirka golaha wasiirada ayaa looga hadlay xaalada dalka gaar ahaan xiisada ka aloosan gobolka Hiiraan.

Shirka golaha wasiirada waxaa lagu go’aamiyay in si degdeg ah looga soo saaro ciidamada dowladda ee la gèeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isla markaana xal nabadeed lagu soo afjaro khilaafka arrimaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in ciidamada lagu celiyo xerooyinkooda, iyado taliyeyaasha lagu booriyay inay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda xilligan oo dalka ku jiro marxalad kala guur ah.

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

Dhinaca kale maalinimadii doraad ahayd oo magaalada Beledweyne la geeyay cutubyo ka tirsan ciidamada Komandoska Gorgor iyo kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaan, ayaa warar horay u soo baxay waxay sheegeen inay sugayaan magaaladaasi oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka baarlamaanka 11aad.