1 min read

Ciyaartoyda Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 sano ayaaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib guushii ay dhawaan ka gaareen koobka Cecafa ee bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa 3-1 uga badiyay xulka South Sudan.

Ciyaartii kama dambeysta aheyd waxay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.