1 min read

Madaxweynaha K/Afrika: Ramaphosa oo laga yaabo inuu Ajaanibta ka Xaddido Shaqooyinka qaar.=WARBIXIN=

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga yaabaa in uu xad ku soo rogo noocyada shaqo ee ay ajaaniibtu codsan karaan, sida ay sheegtay Warbaahinta Business Day, oo aan sheegin halka ay xogta ka heshay.

Golaha Wasiirada Koonfur Afrika ayaa tixgalinaya soo jeedintii looga hadlay wadahadaladii u dambeeyay ee u dhaxeeyay Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) iyo xulafadiisa, xisbiga shuuciga ee Koonfur Afrika iyo Congress-ka Ururada Shaqaalaha Koonfur Afrika, sida uu sheegay Wargeyska fadhigiisu yahay Johannesburg.
Ramaphosa waxaa laga yaabaa inuu ku dhawaaqo Xannibaadaha Khudbaddiisa Sanadlaha ah ee Qaranka ee uu Xarunta Baarlamaanka ee Cape Town ka jeedin doonomaanta oo ah 1️0-ka Febraayo 2022.
Koonfur Afrika, oo ah dalka ugu horumarsan dhanka Warshadaha, ayaa xiriir adag la leh muhaajiriinta ka imaanaya meelo kale oo Afrika ah kuwaasi Handi iyo Ganacsi baaxad leh ka samaynaya South Africa.
Sanadkii 2008, ilaa 60 qof ayaa ku dhintay 50,000 oo kalena way ku barakaceen mowjad rabshado isir-nacayb ah, kadib markii ajaaniibta lagu eedeeyey wax kasta oo shaqo la’aan oo haysta dadka wadaniga South African-ka ah.
Afhayeenka Madaxtooyada Tyrone Seale ayaa diiday inuu qorshaha Ramaphosa faallo ka bixiyo markii telefoonka lagula xiriiray Isniintii shalay.
WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA 24/7
WD: Abdulrazak IndhaJaceyl.