1 min read

Wiilkii laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray oo geeriyooday.

Boqortooyada Morocco ayaa sheegtay inuu dhintay wiilkii Rayan ee laga soo saaray ceel uu ku go’doonsanaa.

Wiilkan oo 5 sano jir ah ayaa muddo cisho ah ku dhexjira ceelkan uu ku dhacay, waxaana shaqaalaha gurmadku ay sameeyeen hawl-gal adag oo ay wiilkaasi ku badbaadinayeen.

Boqortooyada ayaa sheegtay in Rayan uu geeriyooday inta aanay kooxaha samatabixintu ugu tagin godka uu ku xannibnaa.

Howlgalka samatabixinta ayaa dunida, gaar ahaa waddamada Muslimka si weyn looga daawanayay, iyagoo dadku ay ka welwelsanaayeen wiilkaasi, kuna duceynayeen in Alle isagoo badqaba bannaanka u soo saaro.

Boqorka Morocco ayaa u tacsiyadeeyay waalidka dhalay Rayan.