1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya caleema-saarka Erdogan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkey, halkaas oo uu kaga qeybgalayo maleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Turkey Recep Erdogan.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda tobannaan dal oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema-saarka Erdogan oo toddobaadkii hore ku guuleystay doorasho ku celis aheyd.