Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo  Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ka hadlay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC.
1 min read

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ka hadlay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC.

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka.