November 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday degaanka Nuur-dugle.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa socdaalkan ku macneeyey inuu qeyb ka yahay dardargelinaya dagaalka “lagu ciribtirayo argagixisada” A-Shabaab. Madaxweyne Xasan ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo […]
Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha Ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ-9) iyo howlaha Hor-tabinta u leh Qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran. Shirkaan Wadatashi oo ay […]
RW Xamse oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda JFS ayaa u magacaabay Mustafa Yaasin Sheekh Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka. […]
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindise Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada […]
Midowga Afrika oo aqbalay codsi uga yimid Dowladda Soomaaliya.
Golaha Midowga Afrika ee (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada howlgalka midowfa Afrika ee ATMIS. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka, si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS wixii […]
Ciidamada Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab
Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Millateriga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in […]
Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada.
Xulka Spain ayaa si xamaasad leh ku bilaabay ciyaaraha Koobka Adduunka, kadib markii uu 7-0 ku xasuuqay waddanka Costa Rica Arbacadii, iyada oo uu Ferran Torres laba gool dhaliyay iyo gool cajiib ahaa oo uu dhaliyay Gavi taas oo keentay in ay dhaafaan 100-gool oo Koobka Aduunka ah. Spain ayaa si aan kala joogsi lahayn […]