23 Apr, 2024
1 min read

Sacdiya Yaasiin oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

MUQDISHO: —Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata. Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka. Doorashadan ayaa […]

1 min read

Doorashada guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka oo maanta qabsoomaysa.

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro, iyada oo loo ballansan yahay in la qabto doorashada guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka oo xalay dib loo dhigay, kaddib markii wakhti dambe ay noqotay, sida uu shaaciyay shir guddoonku. 10 xildhibaan ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha […]

1 min read

Muslimiin lagu laayay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

ADDIS ABABA: 20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi. Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada […]

1 min read

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo soo dhaweeyay doorashada Aadan Madoobe.

MUQDISHO —  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. “Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla […]

1 min read

Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

MUQDISHU – Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ah wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha ee Soomaaliya, kaas oo helay codad gaadhaya 89 cod. Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee […]