1 min read

Khasaare dhimasho oo laga soo tabiyay weerarka ka socda Villa Rose

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen hoteel caan ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen qaraxyo badan iyo rasaas xooggan oo ka dhacayay hoteelka Villa Rose oo ku dhow madaxtooyada.

Waxaa la sheegay in qarax lagu bilaabay weerrarkaasi, kaddibna rag hubaysan intay u gudbeen hoteelka ay halkaasi ka dagaallamayaan.

Illaa iyo haatan saraakiisha ammaanka faafaahin dheeraad ah kama aanay bixin waxa hoteelka waqtigan ka soconaya.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, ayaa isla xalay sheegay in ciidammada ammaanku ay howgal ka wadaan hoteelkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uulyiinba.