1 min read

Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha Ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ-9) iyo howlaha Hor-tabinta u leh Qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirkaan Wadatashi oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan Wasaaradaha tiirka dhaqaalaha dalka ayaa maanta ka qabsoomay Muqdisho, waxaana looga hadlayay qodobbo dhowr ah oo ay qeyb ka ahaayeen xoojinta iyo isku duwidda tiirka dhaqaalaha toosan iyo dejinta istaraatiijiyada sidoo kalana la isla gartay in lagu xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa wasaaradaha wax soo saarka dalka si wadajir loogu yareeyo saboolnimada.

Qodobbada lagu lafa-guray Shirka ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Is-dhexgalka iyo wadajirka go’aannada qaar ee ahmiyadda u leh Horumarinta Dhaqaalaha.

2: Xaqiijinta habka ay dawladdu u dajisay in la gaaro isku-filnaanshiyo dhaqaale ee xukuumada DAN-QARAN.

3. In la helo hannaan wada-tashi, lana joogteeyo iyada oo diiradda la saaraayo nidaam istaraatiijiyadeed iyo hufnaan ku dhisan.

4. In la isku duwo dhammaan Waaxyaha iyo ilaha waxsoo-saarka dhaqaalaha ee jira, kuwaa oo aas-aas u ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta waxay hirgelin doonaan xeelado gaar ah oo waaxeed, si loo horumariyo ajendaha kobaca dhaqaalaha iyada oo la casriyeynayo iyo tayeynta waaxyaha, si loo xoojiyo wax soo saarka iyo xoojinta adeegyada horumarka waara.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa bogaadiyay kobaca dhaqaalaha dalka, sidoo kalana dhiirigeliyay wax soo saarka gudaha tasoo ahmiyadda labaad u ah Xukuukadda Dan-Qaran, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.