1 min read

RW Xamse oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda JFS ayaa u magacaabay Mustafa Yaasin Sheekh Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh, Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda.