1 min read

Midowga Afrika oo aqbalay codsi uga yimid Dowladda Soomaaliya.

Golaha Midowga Afrika  ee (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada howlgalka midowfa Afrika ee ATMIS.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka, si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS wixii ka dambeeya Bisha Diseembar 2022.

“ Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga afrika.

Midowga Aftirka wuxuu soo dhaweeyay wada shaqaynta AU/UN ee u doodista dawladaha xubnaha ka ah AU, iyada oo ujeedadu tahay in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS iyada oo la xoojinayo awoodaha hawlgalka.

Midowga Afrika wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada dardargelinta ah ee ay DFS ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay dowladda inay si isku mid ah u sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan isku dhafka ciidamada si ay si hufan u hanato mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan.

Bishii Abril ee sannadkan ayay ahayd markii uu dhaqan galay howlgalka ATMIS, kadib markii uu dhamaday waajibaadkii AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in howlgalka ATMIS uu dhamaado 2024.