1 min read

Tababaraha xulka qaranka ee guusha soo hoyiyay oo farriin u soo diray Soomaalida.

Dabaaldeg ayaa xalay ka socday Soomaaliya iyo meelo kale kaddib markii xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ee ciyaartoyda ay da’dooda ka yartahay 17-ka sanadood ay shalay galab ku guulaysteen tartanka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyagoo 3-1 uga badiyay xulka South Sudan.

Kulanka kama dambeysta ahaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa xulka kubadda cagta ee Soomaaliya min bilow illaa dhammaad ay ciyaarta ku gacan sarreeyeen.

Soomaaliya ayaa 2018-kii gaartay fiinaalka tartankan, haatanse waxay la hoyanaysaa koobkii tartanka.

Ilaa iyo hadda waxaa baraha bulshada ka socda dabaal degyada ay sameynayaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn ula socday ciyaarta.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay dad u badan dhaliyaro oo lulaya calanka Soomaaliya kuna dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin guusha xulka qaranka Soomaaliya uu ciyaarta ka gaaray.

Tababaraha xulka qaranka 17-jirrada Soomaaliya Nuur Amiin ayaa BBC uga warramay waxyaabaha u horseeday inay gaaraan guushan.

“Waxaan u sheegay ciyaartoyda inay gaaraan hadafkooda guusha maadama malaayiin qof oo Soomaali ah ay ina sugayaan, tababar badan baan sameynayay, waan soo dhibaatoonay..waxaan dhalinta u sheegay haddii aan qaadno koobkan’ waa kii ay Soomaali ku midoobi laheyd’. ayuu yiri Nuur Amiin.