1 min read

Dabaal-degyo la xiriira guusha xulka Soomaaliya ee koobka CECAFA U17.

Soomaaliya waxaa ka socda dabaal degyo ku aadan guul taariikhi ah oo Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’dooda ka yar tahay 17 jirka ay Sabtida maanta ah ka gaareen ciyaartii kama danbeysta ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Soomaaliya ayaa kaga adkaatay xulka Suudaanta Koonfureed 3 gool iyo hal.

Inkastoo ay Soomaaliya laheyd xul qaran oo ay ku jireen cayaartooy aad loo jeclaa xilligii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, tartamo caalami ahna ay ka qeyb gashay, hadana taariikhda cayaartooydaa fursan uma aysan helin inay qaadaan koob la mid ah kan maanta ay xulka 17 jirku soo hooyeen.

Qaar badan oo ka mid ah cayaartooyii hore ee Soomaaliya ayaa cayaarta maanta daawanayay iyagoo ku nool qurbaha, hase yeeshee uusan ka suulin riyada in ay mar un arkaan Soomaaliya oo koob sidan oo kale ah qaadeysa.

Dadkii cayaarta daawanayay waxaa ka mid ah, Khaliif Shire Muuse ( Riko), oo u soo cayaaray kooxdii Gobolka Jubbada Hoose, Kooxdii heerka 1aad ee badda, oo uu koob la qaaday 1984-kii iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.