1 min read

Dhibane Maxamuud Shire Warsame oo farriin u diray Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha garsoorka

Dhibana Maxamuud Shire Warsame oo shir Jaraaid u qabtey bahda Warbaahinta ayaa sheegey in uu ka cabanayo Dhul uu Milkiyad u leeyahay oo ku yaal Dagmada Madiina, isagoo shirkaas Jaraaid ku sheegey in dhulkaas ay hore u xukmisey Maxkamaha dalka

“Xukunka Maxkamadaha markuu dhacay, waxaa la amrey Hayafaha Fulinta in dhulkaas lagu wareejiyo Milkiilaha Dhulla Maxamuud Shire Warsame” wuxuu raaciyey

” Middo dheer ayaa sugayey in la fuliyo Amarka Maxkamadda, sidaa darteed waxaa ka codsanaya Madaxda dalka iyo Garsoorka in dhulkaas la ii soo celiyo maadaama Maxkamad xukuntey”.