1 min read

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah eeĀ  Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shiinuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeelanayaan xidhiidh diblomaasiyadeed ka dib markii warbaahinta kula hadlay Twain.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ku gudo jira booqasho rasmi ah oo wefti uu hoggaaminayey ay ku tageenĀ  Taiwan, waxa uu jawaab ka bixiyey dawladda Shiinaha oo naqdiday socdaalka ay ku tageen Magaalada Taipei ee dalka Taiwan.

Wasiir Ciise Keyd ayaa caddeeyey in Somaliland ay dal ahaan dhalatay iyadoo xor ah isla markaana ay xor  u tahay cidda ay la yeelanayso iskaashi ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu intaas ku daray inay Somaliland la macaamilayso cid kasta oo xushmaysa madax-bannaanida dalkiisa oo doonaysa inay xidhiidh ganacsi yeeshaan iyadoo aan lagu xidhaynin wax shuruud ah.