1 min read

Jawhar oo lagu qabtay doorashada lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Jawhar:-Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu qabtay doorashada Lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

A delegate votes during the electoral process to choose members of the House of the People in Jowhar, Somalia on December 03, 2016

Guddida Doorashooyinka Maamul goboleedka hir-shabeelle ayaa goordhowed soo gabo gabeeyey doorashada lix kursi oo ka mid ah Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya.

Xubnahan ayaa ah xubnihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya Golaha shacabka kuwaas oo doorashadooda lagu qabtay Caasimadda hir-shabeelle ee Jawhar.

Magacyda xubnaha maanta lagu doortay jawhar.

1: Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax.
2: Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy.
3: Xildhibanad Farxiyo Maxamuud Dhaqane.
4: Xildhibaanad Dahabo Suusow Maxamuud.
5: Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.
6: Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale.