1 min read

Madaxweynaha oo kulankiisa ugu horeeyay la yeeshay Taliyaasha Ciidamada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maaxamuud ayaa kulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ah kii ugu horreyey uu madaxweynaha la yeesho taliyeyaasha ciidamada tani iyo marki xalay xilka madaxweynanimada loo doortay..

Wuxuuna madaxweynuhu uu taliyeyaasha uu ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay Amniga inuu yahay muhiimada koobaad ee dowladdiisa.