March 19, 2025
Ex-Madaxweynihii hore Farmaajo oo cambaareyay qaraxii Muqdisho ka dhacay shalay.
Waxaan si adag u canbaaraynayaa qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, anigoo murugada tacsida la wadaagaya ehelada shacabkii aan waxba galabsan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaas.
Ciidamo Soomaali iyo Turki oo ku dagaalamay xeradda tababarka Turkiga
Dagaal culus ayaa qarxay xili ay socotay ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacaysay xero lagu tababaro ciidamo Soomaalida ah oo ku taala dalka Turkiga. 24 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay rabshadahaas, kuwaas oo labo ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato. Dhowr askari oo Turki ah ayaa sidoo kale lagu soo […]
Maayarkii Istanbul oo xabsiga loo taxaabay
Maayarka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Ekrem Imamoglu, oo kamida siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ugu caansan dalkaasi ayaa lagu xidhay eedo la xidhiidha musuq-maasuq iyo argagixisanimo. Ciidan badan oo booliis ah ayaa yimi gurigiisa iyaga oo kaxaystay, sidoo kale waxa lala xidhay qaar kamid ah dadkii la shaqaynayay. Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in waaran xadhig ah […]