
Maayarkii Istanbul oo xabsiga loo taxaabay
Maayarka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Ekrem Imamoglu, oo kamida siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ugu caansan dalkaasi ayaa lagu xidhay eedo la xidhiidha musuq-maasuq iyo argagixisanimo.
Ciidan badan oo booliis ah ayaa yimi gurigiisa iyaga oo kaxaystay, sidoo kale waxa lala xidhay qaar kamid ah dadkii la shaqaynayay.
Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in waaran xadhig ah loo jaray in ka badan 100 qof.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay dawladda Turkiga inay isku dayayso inay siyaasadda ka saarto Imamoglu, si aanu bay yidhaahdeen ugu tartamin xilka madaxweyne ee doorashooyinka dalkaasi ka dhici doona sannadka 2028.
Muuqaal la dhigay baraha bulshada kahor inta aan la xidhin Mr. Imamoglu ayuu dawladda ku eedeeyay ” Inay xoog kula wareegtay rabitaanka dadka”.
Sidoo kale waxa uu yidhi “Waxa aynu wajahaynaa dawlad kali-talis ah laakiin waxaad ogaataan inaan la i niyadjabin karin”.