Weligaa Ookiyaalahaan ma laguu galiyay?= Faallo=
1 min read

Weligaa Ookiyaalahaan ma laguu galiyay?= Faallo=

Siyaasiyiintu, Heerarka kala duwan ee Doorashada, waxa ay Dadka u galiyaan Ookiyaalo, Adiga oo Abaar joogo lagaaga dhigayo Barwaaqo Humaag ah. (F.S:1aad).

Waxaa laguu Abuurayaa Hami ah in Adiga Qof ahaan, Deegaankaaga iyo Dalkuba ay wada gaari doonaan, Barwaaqo, Horuumar iyo Cadaalad.

Doorashada kadib, Ookiyaalaha ayuu kaa saaraa Siyaasigu waxaad arkee in Hamigaagii uu burburay, waxaad indhaha saaree xaqiiqda ah in aad weli taagan tahay Dhulkii Abaarta ahaa. Ookiyaalikiina waxaa gashaanayo Siyaasigii, isagu waxa uu Ookiyaalaha ku arkayaa Barwaaqo dhab ah oo isaga ku kooban.

Waxaa jiro, Taageerayaal marka Ookiyaalaha laga saaro Xaqiiqda arko iyo Dad yar oo aan weligoodba Ookiyaalaha laga saarin, kuwaa oo Nolosha oo dhan Riyo ku nool ah.

Weligaa Ookiyaalahaa ma laguu galiyay? Ameey Weli kuugu jiraan?

Qore :Yahya Amir