28 Apr, 2024
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shaqo la’aan baahsan ayaa ka jirta dalka….”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn […]

1 min read

Soomaaliya oo IMF iyo Bangiga Adduunka kawada hadlay billaabida dhaqaalihii laga joojiyay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa looga hadlay sidii loo soo celin lahaa lacagiha kabka Maaliyadda ee la joojiyay inta ay socotay Doorashada. Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay […]

1 min read

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/Afrika.

Koox hubeysan ayaa deegaanka South Gate magaalada Johnsburg ee dalka Koofur Afrika ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, sida ay noo xaqiiyeen goobjoogeyaal. Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Magaalada. Ciidamada Booliska ee magalada Johannesburg ayaa tegay halka uu […]

1 min read

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay qaar qeexaya in uu Soomaaliya ka sii shaqeeyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadda mas’uul ka yahay Danjare James Swan. Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2632 ayaa waxaa si wada jir ah u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay ay ogolaadeen in xafiisku […]

1 min read

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Warciise ee Gobolka Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Warciise duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhow gudaha u galeen Ciidamada Militeriga Soomaaliya. Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in Saldhiga iyo Xarruunta deegaanka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Militeriga, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalameyaasha Al-shabaab. Deegaanka Warciise ayaa ah mid muhiim u […]