1 min read

Madaxweyne Museveni oo ka hadlay Afgembiyada Milliteri iyo tirada Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri K. Museveni waxa uu Maanta ka hadlay Dhacdooyinka Afgembiyada ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika, wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika inay isugu yimaadaan Shir looga hadlayo Khatarta Afgembiyada Milliteri ee ka dhacay dhowr dal oo Afrikaan ah.

Waxa uu xusay inay Uganda leedahay Khibrad looga Gaashaman karo Afgembiyada Milliteri ee ka dhacayo Galbeedka Africa.

Museveni waxa uu xusay inay Hoggaamiyayaasha Rayidka ku fashilmeen inay dhisaan Awood Ciiddan ee dalalkooda.

Hadalkiisa waxa uu ku soo aaday Afgembigii Milliteri ee bilowgii isbuucan xilka looga tuuray Madaxweynihii dalka Burkina Faso, Roch Kaboré.

Dhinaca kale Madaxweyne Museveni waxa uu soo hadal qaaday sida ay Uganda u dhistay qaar ka mid ah Awoodaha.
“Halkan, waxaan dhisnay dhowr xoojin. Waxay 6,000 oo Askari naga joogaan Somalia, waxaana halkaasi ka qabanay dhowr shaqo” ayuu yiri Museveni.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan dalalka Afrika oggolaanin in Afgembi Milliteri lagula wareego ama lagu carqaladeeyo Talada dalka Afrika.

Qalalaasaha iyo falalka Afgembiyada Milliteri ee ka dhaca Waddamada Afrika waxa uu sheegay inay dhiirigeliyeen Duullaankii at Isbahaysiga NATO xilka laga tuureen Hoggaamiyihii dalka Jamaahiirta Libya, Kolonel Qadaafi sanadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u dhigay Museveni.

☆Ustaad Nuradin Haji
Xigasho: Nile Post