
Xurguftii ka dhaxay Ilhan Omar iyo Trump oo soo laabatay
DEGDEG: Waxaa mar kale dib u qarxay xurguftii ka dhaxeysay senator Ilhan Omar iyo Madaxwaynaha dalka Mareekanka Donald Trump.
Madaxwayne Trump ayaa ku tilmaamay Ilham qof aan xishoon wuxuuna su’aal ka keenay dadka iyada taageera oo codkooda siiya xiliga doorashada.
Nancy mace oo iyadana ah xubin ka tirsan golaha sanadka kana mid ah xisbiga jamhuuriga ayaa ku raacday hadalka Donald Trump waxayna soo jeedisay in qaraar laga keeno Ilham oo laga saaro xubinimadeeda gudiga tacliimta iyo gudiga miisaaniyada.
Arintan ayaa timid ka dib markii Senator Ilham Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota video ay soo dhigtay barteeda oo ay ku sheegtay Charlie kirk kaasoo la toogtay horaantii todobaadkan inuu ahaa qof nacayb ka buuxo.
Waana hadal ka careysiiyay Donald Trump iyo guud ahaan xisbiga jamhuuriga.
Ilham Omar oo kasoo jeedo asal ahan dalka Somalia ayaa Donald Trump marar badan uu soo jeediyay xiligii ololihiisa doorasho in Ilhan Omar dalkeeda Somalia dib loogu celin doono.
Isha ku hay halkan
Burhan ja’far Gaameedle