Maxaa kala haysta Dhamaca Imaaraadka iyo ka warqabka Xassan Sheekh
3 mins read

Maxaa kala haysta Dhamaca Imaaraadka iyo ka warqabka Xassan Sheekh


Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo horey uga soo guulaysatay Ciyaarta xaga biyaha Kenya Iyo Itoobiya ayaa markan wajahaya Imaaraadka carabta oo ku lug leh Maalgashi halis ku ah Madax-bannaanida Soomaaliya✍️Elmi Osman Farah Boodhari

*Amniga biyaha Soomaaliya ayay u bilaabaneysaa 10 sano oo uuTurkigu ilaalinayo, Iyadoo Imaaraadka oo Ankara kula xafiiltama gobolka Geeska Afrika uu saameyn ku leeyahay Dakaddaha qeybo ka mid ah Soomaaliya

*Ilaalinta iyo kormeerka fasaxa leh ee biyah Soomaaliya ee Turkiga ayaa laga yaabaa In ay isu badasho iska horimaad ballaaran oo u dhaxeeya Ankara iyo Abu Dhabi

➡️Maalgashiga Imaaraadka carabta ma wuxuu halis ku yahay Madaxbanaanida Soomaaliya?

*Meesha ay ku taallo Soomaaliya oo leh muhiimada Istiraatijiyadeed iyo muranada siyaasadeed ee qabaailka dhaxdooda ayaa Imaaraadka carabta in mudo ah waxay u aheyd marxalad u wanaagsan Abu Dhabi oo fursad u siisay marinka ku lug yeelashada maalgashi khatar ku ah madax-bannaanida wadanka ku yaal Geeska Afrika.

Kabtanka siyaasada Soomaaliya ayaa u diyaargaroobay in uu wajaho Imaaraadka carabta markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka gaabsaday sadax codsi oo Imaaraadka Todobaadkan la yimid Soomaaliya.

Abu Dhabi oo u muuqata ina ka carareyso Iska horimaad iyaga iyo Turkiga ku dhexmara biyaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka raadsatay ogolaasho Joogitaan oo ku aadan biyaha Somalia Iyadoo Imaaraadku uu markii horaba sifo sharci daro ah ku maamulayay Dakadaha Barbara iyo Boosaaso

Safar tiro ka sadax jeer ah oo mas’uuliyiin ka tirsan UAE ay Isaga daba laabanayeen Muqdisho ka dib dalabkii Abu Dhabi waxa uu ku soo dhamaaday natiijo la,aan ay sabab u tahay doorkii Isutagga Imaaraadka Carabta uu ku lahaa damac galintii Itoobiya ee bada Somalia

Abu Dhabi oo shirkadeeda DP-WORLD ay gacanta ku heyso Dakadaha Barbara iyo Boosaaso ayaa Itoobiya ugu yeertay galitaanka badda Soomaaliya ka hor Inta uusan Turkiga sare u qaadin fulinta heshiiskii iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee 10-ka sano ee Muqdisho Iyo Ankara,

➡️Beylahsanaanta Xeebta dheer ee Soomaaliya waxay ,xudun u noqotay legdanka awoodda juqraafiyeed Iyo Xafiiltanka gobolka !!

Dhaqdhaqaaqyo qalafsan oo Imaaraadka carabta uu ka wado *Xeebaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ayaa damac galiyay Itoobiya Iyadoo Turkiga oo xulufo dhow la,ah Soomaaliya uu soo jeestay wax kabadalka ciyaarta geeska afrika

Nidaam hoosaadyada qabaa,ilka Soomaalida oon laheyn saharciyo xakameeya Iyo samaynta sii kordhaysa ee Imaaraadku ku leeyahay qeybo ka mida ah Biyaha Soomaaliya waxay door ku yeelatay sababihii soo dadajiyay In Itoobiya ay rajeeyso qaadashada qayb ka mid badda Soomaaliya

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuxu dareensan yahay In gacan ku heynta Imaaraadk carabta ee Dakadaha Berbera iyo Boosaaso ay u taagan tahay calaamad wax u dhimeysa madax-bannaanida Soomaaliya Iyo in hadii aan meesha laga saarin Shirkadda DP-WORLD aysan dhamaaneyn Muranka damaaciga Itoobiya ee ku aaddan badeena

➡️Afduubkii Siciid Dani Iyo Iskudaygii Muuse biixi ee Kirada badeed wuxuu Imaaraadka ka Soo xiray Albaabka Soomaaliya👎

Marka la isku daro Afduubkii Siciid Dani ee Markabka MV Sea World Iyo Isku daygii Muuse biixi ee 50 sano ee kirada badeed waxaan shaki ku jirin In Imaaraadka carabta ay Soomaaliya uga dhamaatay iyadop Walwalka sii kordhaya ee Abu Dhabi uu haatan yahay Erdogan oo xaga Soomaaliyau soo dhaqaajiyay raxan markiibta dagaalka ee dalka Turkiga

Indhuhu waxay ku fooraran sida Tababaraha Xasan Sheekh ee Erdogan uu markan uga gacan siin doono Soomaaliya jawaabta ay ka bixinayso xiisadda sii kordheysa ee kala dhexeysa Imaaraadka Carabta oo qudhiisa taageerayaal number yar ka hooseeya kuwa Turkiga ku leh Soomaaliya

Talaabadan ayaa dhinaca kale muujineysa isbedel weyn oo juquraafi siyaasadeed ah oo ku imaanaya muuqaalka amniga biyaha Soomaaliya, iyadoo quwado shisheeye ay ku loolamayaan inay saameyn ku yeeshaan gobolka.