Sirdoonkii Ciraaq oo laga wareystay shirqoolkii lagu sameeyey Siyaad Bare
1 min read

Sirdoonkii Ciraaq oo laga wareystay shirqoolkii lagu sameeyey Siyaad Bare


Ninkan waxaa la yiraahdaa Saalim Jumeyli; oo waa sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Ciraaq. Waraysi dheer, ayaa waxaa ka qaaday Weriye Camaar Taqi. Waxaa wax la ga weyddiiyey kaalintii sirdoonka Ciraaq ku lahaa ridistii xukunkii Siyaad Barre.

Arrinta ayaa salka ku haysa markii Soomaaliya raacday ama codkeeda ku biirisay dalalkii doonayey in ciidanka Maraykanka la soo geliyo gobolka, ka dib duullaankii Ciraaq ee Kuweyt. Shirkii Qaahira, dalalkii dalbanayey faragelinta iyo kuwii ka hor jeeday ayaa is leekaaday oo noqday 10-10. Intaa wixii ka dambeeyey, dawladda Soomaaliya oo malaha markii hore ka aamustay ayaa codkeeda ku biirisay dalalkii dalbanayey faragelinta militari, taas oo bedeshay isleegtii. Saddaam xuseen ayaa aad u ga carooday tallaabada nidaamka Soomaaliya oo xilligaa waajahayey kacdoon gudaha ah. Wixii intaas ka dambeeyey, sirdoonka Ciraaq ayaa durbadiiba bilaabay hawsha, isago oo xiriir la sameeyey hoggaamiyayaasha qabaa’ilka, waxaana sida uu sheegat Saalim Jumeyli ay halkaa mariyeen maaliyad iyo taageero la gu ridayey xukunkii Siyaad Barre.

Dabcan, ridista Xukunkii Siyaad Barre waxaa gacan ku lahaa sirdoonno badan oo dibadda ah. Markaa, la ma oran karo sirdoonka Ciraaq ayaa sabab u ahaa ama soo dedejiyey ridista, laakiin waa wax la fahmi karo in lacago malaayiin dollar ah iyo taageero kale oo hub noqon karta ay geliyeen kacdoonadii socday, maaddaama ay Ciraaq heli kartay lacagta shidaalka ay dhoofiso – inkastoo ay xilligaas ka soo baxday dagaalkii Iran.