1 min read

Wareega 1-aad ee natiijada Doorashada Madaxweynaha.

Waxaa goordhow la soo gaba gabeeyay tirinta codadka Wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha oo ka socota Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaana ku dhowaaqay Natiijada wareega 1-aad oo sidaan u dhacday:

Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59
Xasan Cali Khayrre 47
Xasan Shiikh Maxamuud 52 Cod
Shariif Shiikh Axmed 39 Cod
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 15 Cod
Cabdiqaadir Cosoble 12 Cod
Caddow Cali Gees 8 Cod
Cabdiraxmaan Macalin Ablaal 2 Cod
Thaabid Cabdi Maxamed 1 Cod
Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud 2 Cod
Cabdiraxmaan Cali 1 Cod.

Sidaasi darteed, waxaa wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha u gudbaya Musharixiinta kala ah:

Saciid Cabdullaahi Deni
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Xasan Cali Khayrre
Xasan Shiikh Maxamuud