News Block
Fullwidth Featured
Dalka Imaaraadka Carabta oo markii ugu horreeysey fasaxaya Ciyaarista Khamaarka.
Hoteelka iyo Casino-da, Wynn Resorts, ayaa dhisi doona goob lagu raaxaysto laguna khamaaro oo ku taalla Ras Al Khaimah ee Isutagga Imaaraadka Carabta oo leh, taasoo suurtogalinaysa inay u gogol xaarto in markii ugu horreeysey khamaarka loo oggolaado gobolka Gacanka Muslimka, sida ay qorayso Reuters. Waxaa Imaaraadka ka jira calaamad muujinaysa in xeerarka madadaalada laga […]
Amiirka Qatar iyo Farmaajo oo Khadka telefoonka ku wada xiriiray.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee ayaa Khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar. Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa sidoo kale kawada […]
Kooxo Hubaysan oo Muqdisho ku dilay Safiyo Abuukar Karaani.
Waxaa lagu diley magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Safiyo Abuukar Karaani oo ahayd Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda federalka Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan waxa ay ku dileen meel ku dhow isgoyska Sayidka ee wadada Maka Al Mukaramma. waxaana la sheegay in kooxihii […]
Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiibay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen!!!.
Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay madax iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii ururkaasi, islamarkaasna taageereen dowladnimada Soomaaliya. Hase yeeshee dhammaantood ma aysan wada helin maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay filanayeen, qaar ayaa xasbiga ku jira muddo sanado ah, qaar kalena dowladda […]
Dhibane Maxamuud Shire Warsame oo farriin u diray Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha garsoorka
Dhibana Maxamuud Shire Warsame oo shir Jaraaid u qabtey bahda Warbaahinta ayaa sheegey in uu ka cabanayo Dhul uu Milkiyad u leeyahay oo ku yaal Dagmada Madiina, isagoo shirkaas Jaraaid ku sheegey in dhulkaas ay hore u xukmisey Maxkamaha dalka “Xukunka Maxkamadaha markuu dhacay, waxaa la amrey Hayafaha Fulinta in dhulkaas lagu wareejiyo Milkiilaha Dhulla […]
Madaxweyne Museveni oo ka hadlay Afgembiyada Milliteri iyo tirada Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia
Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri K. Museveni waxa uu Maanta ka hadlay Dhacdooyinka Afgembiyada ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika, wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika inay isugu yimaadaan Shir looga hadlayo Khatarta Afgembiyada Milliteri ee ka dhacay dhowr dal oo Afrikaan ah. Waxa uu xusay inay Uganda leedahay Khibrad looga Gaashaman […]
Ma waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “midnimo buuxda” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushka ee ka socda xadka uu la wadaago Ukraine. Intii lagu guda jiray wadahadaladii xasaasiga ahaa ee Isniintii, quwadaha reer galbeedku waxay ku heshiiyeen “cunaqabatayn aan horay loo arag” oo ka dhan ah Ruushka haddii uu duullaan […]
Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo kulmay.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubno kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho kulan kula qaateen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in waqtigeeda lagu qabto doorashada Golaha Shacabka oo lagu kalsoonaan karo si waafaqsan war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii […]
Maamulada Galmudug & Jubbaland oo qabanaya maanta doorashada kuraas ka mid ah Golaha Baarlamaanka.
Guddiyada doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay maanta ay ku qabtaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. Kuraasta la dooranayo ayaa horay loogu diiwaangeliyay Xubnihii ku tartami lahaa, waxaana Galmudug Maanta ay qabaneysaa doorashada 7 Kursi, kuwaas oo kala ah. 1: Hop007 oo uu hadda ku […]
Waa kuma korneelka da’da yar ee la wareegay talada Burkina Faso?
Shalay oo isniin aheyd ayaa Kacdoon uu hoggaaminayay korneyl Paul-Henri Sandaogo Damiba ay telifishinka qaranka dalka Burkina Faso kaga dhawaaqeen in ay xukunka ka tuuren madaxweynaha dalkaasi Mr Roch Chrisitian Kobre. Haddaba waa kuma korneylka da’da yar Paul-Henri Sandaogo Damiba ee talada dalka Burkina Faso lawareegay? Korneyl Paul Henri Sandaogo Damiba, waa 41 sano jir, […]