18 Apr, 2025
1 min read

Yaa cadaaladsan sidii uu gumaystuhu Soomaalida u qaybiyey qarnigii 19-aad & sida ay iyadu maanta isu qabinayso?.

1884-kii markii Gumaysigii reer Yurub ay shirkii Barlin yiraahdeen “Soomaalida haloo qaybiyo 5 qaybood,” dadka Soomaaliyeed aad bay uga xumaadeen. Tan kale markii ay ka xoroobeen gumeystihii Reer Yurub waxay Soomaalidu maalintaas u aqoonsatay maalin laga galay dembi wayn oo loo geystay dulmigii ugu waynaa ee abid soo mara dadka Soomaaliyeed, taariikhdaasna waxay ku qoreen […]

1 min read

Dowladda Federaalka oo shaacisay in la joojiyay howlgalka Burcad-badeeda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022. Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin […]

1 min read

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo Shaaciyay jadwalka doorashada 3-kursi.

Muqdisho:-Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay Jadwalaka doorashada 3 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland, kuwaa oo kala ah Hop#023,Hop#132 iyo Hop#092. Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah la shaacin Doonaan Guddiga Xulista ergada, Halka […]

2 mins read

Qaraxyo Xooggan iyo weeraro toos ah oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Waxaa Xalay Saq dhexe Muqdisho laga maqlay Qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Xaafada Daaru Salaam, degaanka Calamada iyo Ceelasha Biyaha oo dhamaantood ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda. Weerarka ugu horeeya ayaa ka dhacay degmada Kaxda kadib markii Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Kaxda ku […]

1 min read

Soomaaliya iyoTurkiga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.

Muqdisho:- Cabdi Saciid Muuse Cali Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah. Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka […]

1 min read

QM oo ka digtay in Kumanaan ruux Cunno la’aan halis u geli karaan Febaraayo ilaa May 2022.

Hay’adaha kala duwan ee Gargaarka & Bani aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay halis cunno la’aan oo ay wajihi karaan Dalalka dagaallada iyo abaarta isugu darantay sanadihii u dambeeyay. Ethiopia, Nigeria, Koofur Suudaan & Yemen ayaa ah waddamada ugu badan ee digniintaan la diray lagu muujiyay kaddib markii xog-uruurin ay sameeyeen Hay’adaha kala […]

1 min read

Dhuusamareeb oo maanta lagu dooranayo Laba Kursi oo Baarlamaan ah.

Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa maanta lagu dooranayaa labo kursi oo tirsigoodu yahay HOP#025 & HOP#081 oo musharixiinta u tartameysa uu diiwaangeliyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas. Labadaan kursi oo kamid ahaa saddex xubnood isku jadwal kusoo baxay waxaa laga reebay HOP#053 sabab uu SEIT Galmudug ku sheegay in la dhammeystirayo habraacyadiisa balse Guddigu ma […]