Wararka
Soomaali lagu Soomaali lagu xiray dalka Zambia.
Wararka ka imaanaya waddanka Zambia ayaa tibaxaaya in booliska dalkaasi ay todobaadyadii la soo dhaafay qabqabteen tahriibeyaal Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika. Dadkan la qabtay oo la sheegay inay boqol ka badan yihiin ayaa la sheegayaa in dadkii waday ee tahriibinayey ay halkaa kaga baxsadeen. Dadkaasi waxaa u gurmaday jaaliyadda Soomaalida […]
Sirdoonka Itoobiya oo qabqabtay rag Shabaab ah oo weeraro Qorsheenaayay.
Hay’adda sirdoonka iyo ammaanka qaranka ee waddanka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale. Wakaaladdu waxa ay intaasi […]
Tahriibayaal Afrikaan oo ku geeriyooday doon ku degtay xeebaha Tuunisiya.
Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Tunisia ayaa sheegay in 27 qof oo tahriibayaal ah hadda la og yahay inay dhinteen kaddib markii dhowr doon oo ay saarnaayeen ay ku degeen xeebaha dalkaas. Sabtidii afar doonyood oo ay saarnaayeen boqol iyo labaatan tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaas oo doonayay inay gaaraan Talyaaniga, ayaa ku degtay meel u dhow […]
Kooxa Jihaad doon ah oo weeraray Saldhigyo Militari oo Mali ku yaalla.
Kooxo looga shakisan yahay inay yihiin jihaad doon ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday saddex saldhig oo ciidan oo ku yaalla bartamaha dalka Maali. Wararku waxay sheegayaan inay ciidamada dagaallameen kaddib markii qarax iyo rasaas laga maqlay saldhiga Sévaré ee gobolka Mopti. Weerarkaasi kaddibna Ciidamada Qaramada Midoobay ee Mali ku sugan ayaa la weydiistay […]
Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Lubnaan.
Dowladda Libnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 6 qof oo tahriibayaal ah ay badda ku dhinteen, kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow magaalada dekedda ah ee Tripoli. 48 qof oo kale ayaa laga soo badbaadiyay doonta tahriibayaaasha sidday ee degtay. Dadka doontaasi degtay saarnaa ayaa ahaa muwaaddiniin u dhashay […]
Jadwalka Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka oo lagu dhawaaqay.
Guddiga Doorashada Guddoonka labada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka hadal jeedin Musharixiinta u taagan xilalka Guddoomiyaha, ku-xigeenadaa 1-aad iyo 2-aad. Jadwalka ayaa waxaa lagu xusay waqtiga loo oggolyahay in Musharax kasta uu soo jeediyo khudbadda uu kaga hadlayo waxyaabaha uu qaban doono haddii uu ku guulleysto xilka uu u tartamayo. Maalinta berri […]
Faah faahin: Qarax caawa ka dhacay Hotel ku yaala Xeebta Liido.
Qaraxa ayaa lala eegtay Hotelka Pescatore Sea Food oo Ah maqaayad dhawaan Xeebta Liido magaalada muqdisho laga furey. Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u gashay hoteelka. Sidda ay ilo lagu kalsoonaan karo ay noo xaqiijiyeen halka uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa saraakiil […]
Wasiirka Waxbarashada oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto Ceelwaaq.
Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto degmada Ceelwaaq, wuxuuna kusoo baxay kursiga Hop119, kadib markii musharraxii la tarmayay oo ahaa Cabdicasiis Cabdullahi Ibraahim uu u tanaasulay. Doorashadan oo laga soo wareejiyay degmada Garbahaarey ayaa waxaa natiijadeeda ku dhawaaqay guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlada goboleed ee Jubaland. 15 […]
Shacab tacbaan ah oo Low Battery ah, yaan Canshuurta lagu Badin=Nasashada Jimcaha.Q- 301=
(Murti Akhyaar loogu maahmaahana ma ahan). Mid Cabtooy ah ayaa lagu yiri, sideed Xamar ugu nooshahay oo aad wadooyinka u martaa, kuwa aan Cabsaneyn ayaaba khatar ku jiree, waxa uu yiri: Marka aan cabsanahay Taxadarkeeyga ayaan kor u qaadaa. Marka aan Waddada Gooynayo, waxaan iska Fiiriyaa Bidix iyo Midig si aan uga Badbaado Gaadiidka Ciidamada […]
Ganacsade Falastiini ah oo $30,000 ugu deeqay dib u dhiska suuqa Waaheen.
MINNEAPOLIS:-Bassim Sabri oo ah ganacsade Palestininan-American ah ayaa 30,000 oo dollar ugu deeqay taakuleynta suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo dhawaan ku bur-buray dab weyn oo sidoo kale ay ku hanti beeleen kumammaan ganacsato ah. Sabri, ayaa guddiga gurmada suuqa Waaheen ee magaaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota guddoonsiiyay jeeg ay ku qorneyd lacagtan, waxaana gudigani […]