19 Apr, 2024
1 min read

Abiy Ahmed oo sheegay inay ka go’an tahay hir-gelinta heshiiska nabadda ee gobolka Tigray.

ADDIS ABABA — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray. Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisul […]

1 min read

 Xildhibaan Hibaq Jama, Xildhibaan Kerry McCarthy MP & Xildhibaan Indho Indho  oo yeeshay kulan lagu Falanqeeyo Qadiyada Gooni isutaaga Somaliland.

Bristol (Somaliweyn.org)  Danjiraha Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamka u qaabilsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa soo qaban qaabisay Kulan Dhexmaray Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho indho iyo Xildhibaan Kerry McCarthy MP oo laga doortay Magaalada Bristol, kulankan oo qaatay mudo saacad ah ayaa ka qabsoomay Aqalka looga taliyo Magaalada Bristol waxaana […]

3 mins read

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shabakad maaliyadda iyo hubka u qaabilsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee Al-Shabaab. Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, […]

1 min read

Wiilka madaxweynaha Uganda oo Twitter-ka soo dhigay qoraal kale oo hadal-heyn dhaliyay.

Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa mar kale qabsaday hadal-heynta baraha bulshada ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray farriin uu u dirayay haweenka. “Dumaroow fadlan isdejiya! Aniga waxaa la i qabsaday 23 sano ka hor, waxaana i qabsatay boqorad lagu magacaabo Charlotte. Murare gye!2 ayuu kusoo qoray […]

1 min read

Madaxweynaha Kenya oo nin Soomaali ah u magacaabay madaxa waaxda dambi baarista.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI. Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha. DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

1 min read

Madaxweyne Erdogan oo isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga, Vladimir Putin iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa yeeshay wada hadallo dhinac socday shir-madaxeedka gobolka Kazakhstan, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo duqeymaha. Labada nin waxay kulmeen dhowr jeer, iyadoo Mr Erdogan uu u soo bandhigay inuu dhexdhexaadiyo Moscow iyo Kyiv, ka dib markii ay burbureen wadahadalladii bishii Maarso. Mr […]