20 Apr, 2024
1 min read

Islaamiyiinta ka dagaalama Burkina Faso oo dilay 33 Askari.

OUAGADOUGOU, BURKINA FASO: -Ciidamada milateriga ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 33 askari, ka dib weerar ay geysteen koox loo malaynayo inay ka mid yihiin, kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalkaas. Weerar xooggan ayaa lala bartilmaameedsaday cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas, oo ku sugnaa dhinaca bari. Dhaawaca askarta ayaa gaadhaya […]

1 min read

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado sirdoon oo Ruush iyo Iran ah.

WASHINGTON: – Dawladda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ay ku soo rogtay hay’adda sirdoonka ee Ruushka ee loo yaqaano FSB iyo garabka sirdoonka ee ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran. Dawladda Maraykanka ayaa hay’adahan ku eedaysay inay si sharci-darro ah xabsi u dhigaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalalka debedda. “Hay’adahani ka […]

1 min read

Xaalad caafimaad oo la soo daristay madaxweyne Erdogan.

Ankara — Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May. “Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta twitter-ka. “Haddii Allah […]

2 mins read

Dagaalka Sudan oo dib u billowday iyadoo xabbad-joojin horay looga dhowaaqay

Khartoum:- Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay. Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin […]

1 min read

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo u hoggaan samay xabad joojinta lagu dhawaaqay.

Xaalad degenaansho ayaa laga dareemayaa caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, iyadoo heshiis xabbad-joojin lagu dhawaaqay. Heshiiskan ayaa soconaya 72 saacadood, iyadoo ay isla oggolaadeen ciidammada dawladda oo ah Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), iyo kooxda militariga ee Taageerada deg degga (RSF). TV-ga Sacuudiga-Al-Carabiya, ayaa subaxnimadii Talaadada sheegay in heshiiska loo hoggaan samayo, ilaa hadda […]

3 mins read

Xabbad-joojin looga dhawaaqay Suudaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay. Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin. Mr Blinken ayaa sheegay in […]